Dowladda Oo War Kasoo Saartay Howlgalo Ka Dhan Ah Al Shabaab Iyo Shaqsiyaad Kale Oo ……

0

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saaray howlgalo ka dhacay Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo xarunta KMG maamulka Koofur galbeed ee Baydhabo.

Taliyaha Ururka 35-aad Guutadda 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidamada dowladda Korneyl; Maxamed Caraaye “Foofoo” ayaa warbaahinta u sheegay in howl-galkaasi uu ku wajahnaa la dagaallanka Xoogaga Al Shabaab iyo rag ku labisan tuutaha ciidamada dowladda oo dhac ka geysta wadadaasi.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la leennahay xiriir aad iyo aad u wanaagsan, sida aad la socoto Shacabku waxa ay ku jireen dhibaatooyin fara badan oo uu Al-Shabaab u geystay” ayuu yiri taliyuha.

Col; Caraaye ayaa sheegay inay taasi u fududeystay kala war qaadasho iyaga iyo shacabka h, iyagoo ogaaday halka ay ku sugan yihiin iyo goobaha ay iska soo abaabulaan.

Taliye, Caraaye, ayaa intaa raaciyay in ammaanka waddada uu aad usoo hagaagayo tan iyo intii ay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Burcadda kale ka billowdeen halkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here