Digniin: Weeraro Ku Wajahan Goroomada Diyaaradaha Iyo Dekadaha Soomaaliya

0
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinta u dhashay dalkaasi uga digtay booqashada Somaaliya, waxa ayna ugu baaqday muwaadiniinta u dhashay Mareykanka inay ka fogaadaan booqashada gudaha dalka Soomaliya

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Somaaliya ay ku badan yihiin dambiyada iyo rabshadaha sida dilalka iyo afduubka.

” ha u safrina Somalia, waxaa ka jiro dambiyo, argagixiso iyo bur cad badeednimo, dambiyada iyo rabshadaha sida dilalka iyo afduubka ayaa wali ka jira Somalia oo dhan, xitaa gobolada Puntland iyo Somaliland.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda dibadda Mareykanka

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in Somaaliya wali ka jiraan jid gooyooyin sharci darro ah.

Waaxda Safarada Mareykanka ayaa tibaaxday in xoogaga ka dagaalama Somalia ay wali sii wadaan qorsheynta afduubka, qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee lala beegsado Garoomada diyaaradaha, dekadaha, dhismayaasha dowladda, hotelada, Maqaayadaha, dukaamada iyo goobaha la iskugu tago.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Burcad badeedu ay joogaan biyaha geeska Africa gaar ahaan biyaha caalamiga ah ee ku teedsan Somaaliya.

Dowladda Mareykanka yaa joojisay bixinta adeegyada gurmadka deg dega ah ee muwaadiniinteeda Somaaliya, waxaana loo sababeynaa inaysan safaarad si toos ah aysan ku laheyn dalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here