Xildhibaan katirsan Baarlamaaanka Somaalilnd ayaa sheegay in inuu u dhigayo shaqsiyadka ka soo jeda Soomaalilnd ee xilalka kahaya dowlada dhexe dalka.
Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Nac oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Simba ayaa sheegay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee la wareegtay dekada magaalada Berbera in wali halkaasi ay ka howlgasho dhagna aan jalaq loo siinin hadalka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya.
Mudane Axmed Diiriye Nac Nac ayaa sheegay in Farmaajo uusan imaan karin Hargeysa, hadii uu yimaadana uu noqonayo qofka ugu horeeya ee Toogta.
Shirkada DP World ayaa la wareegtay maamulka Dekeda weyn ee magaalada Berbera, waxaana heshiiska shirkadan kula wareegtay Dekeda Berbera qeyb ka ah dowlada Itoobiya oo saami badan ku leh wax soo saarka dekada, balse dhanka dowladda dhaxe ayaa ka hor imaatay heshiiskaasi 3 geesoodka.

