Kooxo hubeysnaa ayaa xalay dil ka geystay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir waxaa loo geystay nin da’ ah oo Magaciisa lagu sheegay Aadan Cali.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal aadan ayaa la dilay xili uu kasoo baxay masaajid ku yaala Xaafadda Showriyaasha Degmada Dharkiinley.
Ilaa dhowr xabadood ayaa la sheegay in lagu dhuftay Ala ha u Naxariistee aadan, islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.
Kooxihii ka dambeeyay falkaan ayaa goobta isaga baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamadda amniga oo howlgal ka sameeyay.

