Ciidamada Itoopiya Oo Lasoo Baxay Taangiyo Iyo Gadiidka Dagaalka Iyo Jawiga Baydhabo oo Kacsan (Sawirro)

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koofur galbeed ayaa waxaa wali ka soconaya maalintii 2-aad Bananbaxtoyo ka dhan ah Ciidamada Booliska Dowladda dhaxe ay geysay Magaalada iyo kuwa Itoopiya Oo shalay Xabsiga Dhigay Roobow.

Magaalada waxaa lagu dilay Xildhibaan Cabdi shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa Gudoomiyihii gudiga amniga ee Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Xaafadaha qaar waxaa laga maqlayaa Rasaas teel teel ah,sido kale isku socodka Xaafada qaar aya Xiran.

Suuqa-weyn ee magaalada iyo Mehradaha kale ayaa saakay aheyn kuwa Shaqeynaya, sababa la xiriira dibadbaxyo rabshado wata oo ka socda magaalada.

Ciidamada Booliska dowladda iyo kuwa Itoopiya ayaa ku iira heegan buuxa, rasaasna ku ridaya dadka is kugu soo baxay magaalada oo taayaro ku dhax gubaya magaalada iyo xaafadaha kale ee Baydhabo.

Shacab careysan ayaa tuban wadooyinka Magaalada.

Waxii kusoo kordha La Soco Daqiiqad Walba
Soo Booqo Faceboook: Radio Simba

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here