Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dibadbaxyo is qabsaday saakay inta badan Xaafadaha Baydhabo, oo looga soo Horjeedo Xarig dowladda Soomaaliya ay kula kacday wadaadka Muqtaar Roobow.
Dhanka kale Is rasaaseyn xoogan ayaa ka socota gudaha magalaada Baydhabo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ku dhintay Gudoomiyihii gudiga amniga ee Baarlamaanka Koofur galbeed Somaaliya Xildhibaan Cabdi shakuur Boole.
Wararka ayaa intaa ku daraya iney jiraan dad kale oo saakay ku dhintay dagaalka ka socda Magaalada, oo u dhaxeeya Maleeshiyaad Taabacsan Muqtaar Roobow iyo ciidamada Dowladda Iyo Militaryga Itoopiya.
Waxii warkaaasi kusoo kordha goordhaw Kala Soco Facebook: Radio Simba
Sawirka Hoose waaa Xildhibaan Cabdi shakuur Boole Oo Baydhabo Lagu Dilay



