DEG DEG: Rasaas Goos Goos Ah Oo Ka Bilaabatay Baydhabo Iyo Suuqa-Weyn Ee Magaalada oo Xiran

0

Xiisad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya gudaha Magaalada Baydhabo, malintii labaad oo ka dhalatay kadib markii ciidamo katirsan dowladda oo garab ka helaya ciidamada Itoopiya ay Muqdisho keeneen Muqtaar Roobow oo Maxbuus ah.
Wararka saakay laga helayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah ay ka bilaabatay gudaha magaalada oo ay ridayaan Taliska ciidamada Militaryga itoopiya ee gudaha Baydhabo.

Dhanka kale shacab fara badan ayaa iskugu soo baxay wadooyinka qaar ee magaalada Baydhabo.

Dhanka kale waxaa Xiran saakay isku socodka gamacsiga waaweyn ee Magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in gudaha degmada ay ka dhacaan isku dhacyo lamid ah kuwii Shalay ama banaanbaxyo.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo Simba la hadlay ayaa sheegay in jawiga magaalada uu yahay mid aan wanaagsaneen, marka loo eego dhaq dhaqaaqyada ka jira saakay magaalada Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Baydhabo kasoo afduubatay Wadaadka Muqtaar Roobow oo horay naftiisa ugala soo cararay Xarakada Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here