DEG DEG: Muqtaar Roobow Oo La Keenay Muqdisho Iyo Gadiid Qarsoodi Ah Oo Lagu Qaatay

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarad wada Muqtaar roobow oo goordhaw soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Masuul katirsan garoonka diyaaradah ayaa Idaacada Simba u xaqiijiyay in garoonka ay kasoo degtay diyaarad magaalada Baydhabo looga keenay wadaadka Abuu Mansuur oo horay uga soo baxsaday Xarakada Al shabaab, hadana ahaa musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo koofur galbeed.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda ayaa diyaar ku ahaa garoonka diyaaradaha kuwaa oo si deg deg ah ugu qaaday gaari gaar ah wadadka Muqtaar oo ilaa hada aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Afduubka wadadka ayaa waxaa masuul ka ah dowladd dhaxe ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmajo, oo marar badan ku guul dareysatay wada hadalo ay la sameyeen masuuliyiin katirsan dowladda dhaxe oo doonaya in uu iskaga haro tartanka qabashada xilka madaxtinimo ee maamulka Koofur galbeed.

Waxii Wararkaasi Kusoo Kordha Goordhaw La Soco

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here