DEG DEG: Diyaarad Lagu Soo Qaaday Muqtaar Roobow Oo Xir Xiran Lana Jir Dilay

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa xiisada kacsananta ah oo ka dhalatay Afduubka  Wadaadka Muqtaar roobow oo ciidanka Itoopiya iyo kuwa dowladda ay ka wateen guri uu ka deganaa Baydhabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaarad looga soo qaaday wadaadka magaalada Baydhabo, inkastoo wararkaasi aysan aheen kuwa la xaqiijin karo, balse gudaha magaalada waxaa ka socdo Banaanbax ay dhigayaan shacab taageersan kana careysan xariga wadaadka Muqtaar Roobow Abuu Mansuur.

Isgaarsiinta Baydhabo ayaa hada ah mid hawada ka maqan, dhanka kale waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gadiidka magaalada caasimada KMG u ah maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Baydhabo ayaa sido kale sheegay in gudaha magaalada laga maqlayo rasaas teel teel ah oo dhax mareysa ciidamada Itoopiya iyo Maleeshiyaad taabacsan wadaadk Muqtaar Roobow Abuu Mansuur,

Ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay, dagaalkaasi dhax maraya labada dhinac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here