DEG DEG: Senetor Xuseen “Farmaajo Ayaa Loo Heystaa Hal Qof Hadii Uu Ku Dhinto Baydhabo”

0

Senetor Xuseen Sheikh Maxamuud oo katirsan Xildhibaanada golaha Aqalka Sare ahna Xogayaha gudiga Dastuurkaayaa war uu ku daabacay baraha bulshada ay ku kulanto waxa uu ku sheegay in hal qof hadii uu ku dhinto Baydhabo  in lagala xisaabtami doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Hal qof hadii uu ku dhinto magaalada Baydhabo ama uu ku dhaawacmo waxaa loo heystaa oo lagula xisaabtami doonaa Madaxweynaha Somaaliya Farmaajo”  ayuu yiri Senetor Xuseen Sheikh Max,uud.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa xiisada kacsananta ah ee ka dhalatay Afduubka  Wadaadka Muqtaar roobow oo ciidamada Militaryga Itoopiya iyo kuwa dowladda ay ka wateen gurigiisa.

Isgaarsiinta Baydhabo ayaa hada ah mid hawada ka maqan, dhanka kale waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gadiidka magaalada caasimada KMG u ah maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here