DEG DEG: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xabsi Guri Laga Dhigay

0

Warar goordhaw soo gaaray Idaacada Simba ayaa sheegaya in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxmed Mursal Cabdiraxmaan, laga dhigay xabsi guri loona diiday in ay la kulmaan xildhibnaanada mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdillaahi Farmaajo.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya sheegay in dudoomiyaha Baarlamaanka laga dhigay Xabsi guri, sido kale loo diiday iney arkaan ama u tagaan Xildhibaano mucaarad ku ah madaxda dowladda dhaxe ee Soomaaliya.

Mudane Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka hadlayay goob faraara ah oo lagu soo dhaweynayay hogaamiyaha Muraadka dowladda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka gaabsaday inuu sheego cida xabsiga dhigtay gudoomiye mursal.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here