Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Kulul Uga Hor Imaaday Amar Kasoo Baxay Dowlada Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo ka soo jeeda Koofur galbeed ayaa si kulul uga soo hor jeestay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo maanta la geeyay caasimada KMG koofur galbeed ee Baydhabo.

Mudane Mursal ayaa sheegay inaan la dooneyn ciidamo dheeraaad ah in loo daabulo Baydhabo

“Deegaanka waxaan u  malaynayaa in ciidamo amni oo  ku filan inay joogaan, gaar ahaan amniga doorashada wax kale  oo dheeri ah cidii ku darta iyadaa lagula xisaabtami doona.”ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh isagoo jooga dalka Turkiga.

Gudooonka oo sii hadlayay ayaa intaasi raaciyay

“Waxaan rabnaa in doorashada si cad ay u dhacdo waxaan la hadlay kusimaha Madaxweynaha guddiga doorashadana waa joogaan.”ayuu sii raaciyay.

Dowladda dhaxe ee Soomaaliya ayaa ciidamo badan geysay Magaalada Baydhabo oo dhawaan ay ka dhici doonto doorashada Madaxtinimo ee Koofur galbeed, waxaana lagu eedeeyay Xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Kheyre in lacago badan oo laaluush ah ay ku bixineyso inuu ku soo baxo musharax ay wadato.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here