War goordhaw naga soo gaaray gobalka sh/hoose ayaa sheegaya in duqeymo xoogan hada lagu garaacayo deegaano hoos yimaada degmada Marka.
Duqeymaha ayaa lagu garaacayaa deegaanada Jilib Marka, Gandarshe Ilaa Degaanada dhaca dhanka buurta oo wada hoos yimaada Xarunta gobalkaasi.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Simba u Xaqiijiyay in waxa duqeymaha ridaya ay yihiin ciidamada Amisom, oo ku raad jooga gaari gaashaman oo ciidamada looga qabsaday dagaal ka dhacay duleedka magaalada Marka ee Gobalka Sh/hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegay iney qabaan cabsi xoogan maadama duqeymaha ciidamada Amisom ay ku garacayaan halkaasi ay yihiin kuwa xoogan oo sababi kara khasaaro soo gaara dadka shacabka ah.
Waxii kusoo kordha Goordhaw Fillow

