DEG DEG: Shaqaalo Bank Oo Goordhaw Lagu Toogtay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa goordhaw Wadada xaafada Daaru Salaam ee degmada Yaaqshid ku dilay 2 Qof oo Dhalinyaro ahaa, sida dadka deegaanka Xaqiijiyeen.

Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay in Mid ka mida ahaa dhalinyarada la dilay uu u shaqeenay Salaam Bank, halka mid kalana uu u shaqeenayay Macahad ku yaal KM14 ee duleedka Muqdisho.

Kooxihii ka dambeeyay dilka labadaasi dhalinyaro ayaa goobta ka baxsaday, mana jirto wali cid qaaday meydadka laba qof ee lagu dilay degmada Yaaqshid.

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada dilkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here