Faah Faahin: Ciidamada Koofur Galbeed Oo Heegan La Galiyay Iyo Xiisad Ka Taagan Ciidamo La Geeyay Baydhabo (Sawirro)

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad ka taagan gudaha magaalada Baydhabo, kadib  markii 2 diyaaradood goor dhow ay ka degeen garoonka Diyaaradaha shaati gaduud ee magaalada Baydhabo.

2-da diyaaradood ayaa waxaa la socda sida saraakiisha Ilaalada garoonka ay xaqiijiyeen, ciidamo gaaraya 80 ilaa 90 askari, oo sugaya amaanka Malayiin Dollar oo la sheegay in dowladda dhaxe ay ugu tala gashay Musharixiin ay dooneyso iney kusoo baxaan doorashada dhawaan ka dhaceysa Koofur galbeed.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiisad kacsanaan ah laga dareemayo Magaalada Baydhabo, maadama magaalada ay kusoo kordheen ciidamo laga diray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ciidamada amaanka Baydhabo ayaa heegan buuxa la galiyay, waxaa sido kale lagu arkayaa garoonka diyaaradaha meelaha ka ag dhaw iyo qaar kamid ah xarumaha maamulka ciidamo farabadan.

Dhanka kale musharixiinta doonaya doorashada Madaxtinimo koofur galbeed qaar kamid ah ayaa shirar kala gaar gaar ah ku leh Hotelada waaweyn ee caasimada KMG maamulka koofur galbeed.

Dhanka kale  Xildhibaano katirsan Baarlamaanka dowladda dhaxe oo goor dhow la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kusoo daabuleyso Ciidamo Magaalada Baydhabo, kuwaa oo la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashadda 5 Bisha December ka dhaceysa K/ Galbeed.

Musharixiinta koofur galbeed, Siyaasiyiin, iyo Xildhibaano ayaa dowladda Soomaalia ku eedeeyay in dhaqan ay ka dhigatay lacago laaluush ah in ay ku kala jabiso Musharixiinta koofur galbeed, gaar ahaan in maagaalada gudaheeda ay soo galisay ciidamo iyo lacago Malaayiin dollar oo Musuq maasuq ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here