Warar kala duwan ayaa sheegaya in ciidamada iyo saraakiisha Xarakada Al shabaab ay is kaga baxeen mudo 10 sano kadib degmada Xaradheere ee gobalka Mudug.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Simba u sheegay in Al shabaab Magaalada Xaradheere ay faarujiyeen, sababa la xiriira baqdin dhanka diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
Wali majirto cid xaqiijin karta in Al shabaab ay iskaga baxeen Degmada Xaradheere, sido kale lama hayo war kasoo baxay Al shabaab oo ay ku xaqiijinayaan in Magaalada Xaradheere ay faarujiyeen.
Maalmihii ugu dambeeyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Duqeymo is daba joog ah ka fulinayay deegnaada Caad, Cadaleey, Godirey iyo deegaano kale oo hoos yimaada degmada Xaradheere.
Waxii Warkaasi Kusoo Kordha Goordhaw Fillo

