Daawo Sawirro:- In Ku Dhaw 30 Ruux Oo Ku Dhimatay 3 Qarax Oo Ka Dhacday Muqdisho

0

Faah faahino  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo is Xig xiga oo Manta ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Wadada Laamiga ah ee Hor marta Hotelka Saxafi ilaa Xarunta danbi baarista CID-da.

3 qarax ayaa laba kamid ah lagu weeraray Hotel Saxafi ee gudaha Muqdisho, halka qaraxa 3-aad uu ka dhacay agagaarka Xarunta CID oo la sheegay iney ka dageen rag hubeysan oo katirsanaa Al shabaab.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya xarumaha lagu bartilmaameed saday 3 Qarax ee loo adeegsaday gadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo galabta ka dhacay wadada KM4 ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay qaraxyada ayaa waxaa ku naf waayay 24 ruux, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale wali waxaa socda gurmad loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Daawo Sawiradda Qaraxyo Is Xig Xiga Oo Manta Ka Dhacay Muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here