Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dilal xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay xalay laba qof oo fadhiyay Maqaaxi lagu Magacaabo Galmudug oo ku taal deegaan-weynaha Ceelasha Biya.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay Toogashada labada ruux kadib in ciidamo katirsan dowladda ay goobta soo gaareen, kuwaa oo furay rasaas xoogan oo sababtay dhaawacyada afar qof kale oo kamid ah dad halkaasi ka ag dhawaa.
Isku darka khasaaraha ka dhashay halkaasi ayaa ah dhimashada laba ruux iyo dhawacyada Afar kale.
Maamulka deegaanka Ceelasha biyaha oo Xiriiro ay la sameysay Idaaacada Simba ayaa wax faah faahin ah ka bixinin dilka ka dhacay deegaanka iyo 70-Saac gudahooda in halkaasi lagu dilay dad ka badan 10 Ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka Ceelasha.
Mudooyinkii danbe duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka taagnaa aargoosi qabiil, oo ka dhashay dad ehelo dhaw ahaa oo isku mar lagu dilay agagaarka xaawa-cabdi ee duleedka caasimada Soomaaliya.

