Taliska Ciidamada Dowladda ee ka howlgala deegaanadda Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal looga saarayo deeganada ay Maamulaan Xoogaga Al shabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay inuu socdo qorshe Al shabaab looga saari doono Ciidamada Al shabaab Degmadda Jamaame iyo Deegaanada kale oo mudo sanado ah maamulayay Dagaalyahanada Al shabaab.
Korneel Cabdiqaadir Ibraahim Ixsaaq oo ah Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala Jubbaland oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in arrintan sidda ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqi doonaan.
“Sidaad lasocotaan waxaa qeybtan ka jiray howlo badan balse hadda waxaan dooneynaa in arrimahaas oo dhan aan kasoo tagno hadda waxaan bilaabeynaa siddii aan u bilaabi laheyn dagaalka aan lagaleyno Xoogaga Al Shabaab kuwaas oo dadka Shacabka ah dhibaato badan ku haya. Ayuu yiri Korneelka.
Korneel Cabdiqaadir Ibraahim Isxaaq ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ka madax banaan yihiin arrimaha Siyaasadda ee uu ula jeedo khilaafka u dhaxeeya Jubbaland Iyo Dowladda dhaxe.

