Ciidamada Amaanka Kenya Oo Heegan La Galiyay Sidee Wax U Jiraan Akhriso

0

Kenya ayaa heegan buuxa galisay talisyada kale duwan ee Ciidamada, iyadoo maalinta bari ah loo dabaal dagayo maalinta geesiyada ee Mashuja Day.

Bari ayey ku beegan tahay maalinta geesiyada ama dadkii kenya uga geeriyooday xornima u dirirkeeda waqtigeedii gumeytaha, waxaa lagu qaban doonaa xafladaasi garoonka kubada cagta Bukhungu ee ku yaal magaalada Kakamega ee Kenya.

Xaflada waxaa kasoo qeyb galaya hogamiyaal ka socda wadamada Afrika iyo xubno katirsan QM.

Wararka ayaa sheegaya in dhamaan ciidamada heegan la galiyay laguna wadooyinka waaweyn ee dalka, xili laga cabsi qabo weeraro ka yimaada Xoogaga Alqaacidda Soomaaliya ee ka howlgala Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here