DEG DEG: Qarax Goordhaw Ka Dhacay MagaaladaMuqdisho

0

Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday Bamgacmeed oo goordhaw lagu weeraray wado dhismo uu ka socday oo ku taal Busteejada gadiidka kismaayo laga raaco ama agagaarka Masjidka Daawada Suuqa Bakaaraha ee Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay jawiga goobta inuu yahay mid kacsan oo ay joogaan ciidamo kala duwan oo katirsan dowladda Soomaaliya, kuwaa oo goobta isku gadaamay.

Inta la xaqiijiyay wararka hordhaca ayaa sheegaya dhimashada hal ruux iyo dhaawaca afar kale oo intooda badan ay yihiin dad shacab ah oo goobtaa ka ag dhawaa, sida goobjooge Simba u xaqiijiyay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Radio Simba u sheegay in Bamgacmeedka lagu weeraray goob dad shacab ah ay ku sugnaayeen oo ku taal aaga loo yaqaan isku raranka ee gudaha Suuqa Bakaaraha.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sidon kale sheegaya in ciidamo kale ay soo gaaraan daqiiqado ka hor goobta, kuwaa oo dadka iyo gadiidka u diidaya iney goobtaasi ka ag dhawaadaan.

Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Facebook Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here