Dhageyso: Kaalinta Uu Ku Leeyahay Sheikh Shaakir Khilaafka Galmudug (Dhageyso)

0

Iyadoo wali xal laga gaarin khilaafka curyaamiyay madaxda maamul gobaleedka Galmudug oo u kala jabay laba garab oo kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa eedeyn loo jeediyay madaxa xukuumada Galmudug Maxamed Shaakir Cali inuu ka danbeeyo khilaafka ragaadiyay maamulka.

Wasiirka Dastuurka iyo dib heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Nuur Wardheere oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Simba ayaa ku eedeeyay Madaxa Xukuumada Galmudug Maxamed Shaakir Cali inuu ka danbeeyo khilaafka xoogan ee ka dhax aloolsan Madaxda maamulka Galmudug.

Mudane Cismaan Maxamed Nuur Wardheere  ayaa sheegay in masuuliyiinta ku sugan Cadaado ay qaban qaabinayaan doorashada madaxtinimada Galmudug, kadib xilkaqadistii  Madaxweyne Xaaf.

Dhageyso Codka: Wasiirka Dastuurka Iyo Dib Heshiisiinta Galmudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here