Daawo Sawirro: Toogasho ka Dhacday Magaalada Muqdisho

0

Laamaha Booliska dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ka geystay Xaafada Blac Sea ee Muqdisho.

Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya aya toogasho ku dilay askari ku labisanaa dareeska Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Guutada 14 Oktoobar ee Madaxweyne Farmaajo uu aas aasay kadib qaraxii lagu dhamaaday ee ka dhacay Isgoyska Zoobe Sanadkii 2017.

Toogashada ayaa si gaar ah kaga dhacday Xaafada Cali Shire ee degmada Howlwadaag, halkaasi oo ciidamada Booliska ay ku dileen askari ku labisnaa dharka Ciidamada dowladda gaar ahaan dareeska Guutada 14 Oktoobar, kadib markii ciidamad Booliska la kulmeen askarigaasi oo dhac geysanayay.

Magaalada Muqdisho ayaa marti galisay mudooyinkan danbe dhaca lagula kaco ganacsatada, ardayda, iyo in xili habeen bar ah guryaha ay u galeen shacabka kooxo hubeysan oo dhac baahsan u geysta.

Sawirro lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa Muujinayay meydka askari ku labisan tuutaha Guutada 14 Oktoobar oo dhax yaal Xaafada Cali Shire ama Black Sea degmada Howlwadaag ee Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here