Ogow Sababta Uu Kheyre Shaqada Kaga Joojiyay Wasiir Maxamed Khaliif Diiriye

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada looga joojiyey Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Khaliif Diiriye.

Wareegtada Shaqada looga joojiyey Maxamed Khaliif ayaa lagu xusay in Ra’iisul wasaare Kheyre oo tixgelinayo Waraaq codsi ah oo kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu meel mariyey Ra’iisul Wasaaraha Shaqo ka joojinta Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wasiir ku xigeenka ayaa lagu heystaa inuu xiriir la leeyahay shabakad ku howlaneed dhaqista Dollarka been abuurka ah,taasi ayaa loo xaqlinayaa shaqa ka joojinta lagu sameeyay Maxamed Khaliif Diiriye.

Ciidamo katirsan Nisa ayaa dhawaan gacanta ku dhigay Shabakad ku howlaneed dhaqista Dollarka been abuurka ah oo lagu qabtay Garoonka diyaaraha Aadan Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here