DEG DEG: Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Ciidamo Is Hor Fadhiya

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhimasho iyo dhaawac ka dhashay is rasaaseyn dhax martay ciidamo katirsan Booliska dowladda iyo ilalada Hey’ad qaabilisan Arimaha Qaxootiga ku dhaqan degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay waaxda 3-aad ee degmada Kaxda, halkaasi oo is rasaaseyn ku dhax martay Ciidamo Boolis ah iyo ciidan kale oo ilaalo u ah Hey’ada qaabilsan arimaha Qaxootiga.

Inta la Xaqiijiyay Iska hor imaadka waxaa ku naf wayay hal ruux, halka laba.kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo katirsan Dowladda ayaa daqiiqado ka hor gaaray goobta sida Idaacada Simba uu u xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka Kaxda.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sido kale sheegaya in ay difaacyo wali ay ku kala jiraaan labada dhinac, oo mararka qaar is dhaafsanaya rasaas teel teel ah.

Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here