Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka ka Mamnuucay gaadiidka Bajaajta iyo NOAHA-DA, inta ay socdaan hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo.
Taliyaha Booliska Gobolka Baay Mahad C/raxmaan Aadan, oo warbaahinta kula hadlay baydhabo ayaa sheegay in hakad la galiyay labadda Gaadiid, madaama ay Ciidamadda bilaabeen howlgalo loogu jawaabayo qaraxyadii ka dhacay magaaladda maalintii sabtidii aheyd.
“Inta amniga socda, waxaan doonayaa gaadiidyada labada nooc ah ee Bajaajta iyo NOHADA in Magaalada Baydhabo aysan ku socon karin, ciidamadana waxaan fareynaa inay fuliyaan arrintaasi.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Baay.
Taliyaha Booliska Gobolka Baay Mahad ayaa sheegay in ay ka war hayaan in Ciidamadda Al-shabaab ay qorshaynayaan qaraxyo ka dhaca Magaaladda.
Sabtidii qaraxyo ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay magaaladda Baydhabo waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya 2-ruux.

