Faah Faahin: Toogasho Ka Dhacday Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa dil maanta ka dhacay xaafada Soonakey ee degmada Hodan gaar ahaan dhanka Digfeer, halkaasi oo rag hubeysan ay ku dileen wadaad aan xaafadaasi laga aqoon.

Koox hubeysan oo ku labisanaa dareeska Ciidamada dowladda oo watay gaari raaxo ah ayaa gurigiisa kala soo baxay wadadkan, waxaa ayna ku dhufteen dhowr xabo

Wadadkan la dilay ayaa dhawaan soo degay xaafada Soonakey, waxuuna ka istaagay maalmo ka hor Masjid ku yaal xafadaasi, waxaana wali la fahmi la yahay sababta ka danbeysay toogashadiisa.

Goobjooge la hadlay Simba “ waxaa arkyay laba ruux oo kasoo degeysa gaari raaxo ah oo wadatay qoryaha AK47-ka kuwaa oo dhowr xabo ku dhuftay wadadkaasi” Sida uu yiri Goobgooha.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Hodan oo xiriiro ay la sameysay Simba ayaa ka gaab saday iney faah faahin ka bixiyaan, raga ka danbeeyay dilka wadaadkan waxa ay ahaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here