Al shabaab ayaa Fagaare kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ku toogtay Rag Ruux oo Maxkamadaha Xarakada ku Xukumeen Dil Toogasho.
Qaadiga Maxkamadda Al shabaab oo boqolaal qof ka hor akhrinayay xukunka Maxkamaddu soo saartay waxuuna sheegay in shanta Nin ee latoogtay ay u shaqeynayeen sirdoonnada Kenya iyo kan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Al Shabaab waxay sheegtay in dhammaan Ragga lagu dilay degmada Saakoow ay qirteen dambiyada lagusoo eedeeyay ee ah in ay ubasaasayeen dhinacyo shisheeye siraha Xoogaga Alqaacidda ee Soomaaliya
Akhriso Magacyada Raga Lagu Eedeeyay Jawaasiisnimada ee Lagu Dilay Magaalada Saakoow
- 1-Cabdi Raxmaan Xuseen Max’med
- 2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
- 3-Caliyoow Jiinoow Nuur
- 4-Max’med Yuunus Mad Keer
- 5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.
Al shabaab ayaaa Inta badan deegaanada Iyo degmooyinka ay ka maamulaan gobalada dalka ka fuliya Xukuno kamid ah kan Saakoow Laga fuliyay.

