Wasiir Islow:-“Amniga Caasimadda Cidna Gorgortan Kala Galimayno”,

0

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka, Taliyeyaasha ciidanka booliska iyo Guddiga abaabulka wacyigelinta Qaran, kaasi oo looga hadlay xoojinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa goobta lagu soo bandhigay 3,000 saddex kun oo askari, kuwaasi oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan Nabadgelyada Degmooyinka, isla markaana lagu soo kordhiyay Degmooyinka, si ay u xaqiijiyaan amniga caasimadda.
Wasiirka Amniga ee Xumuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in mas’uul kasto lagula xisaabta tami doona shaqadiisa ee dhanka ammaanka magaalada, isla markaana aan cidna lagala gorgortami doonin sugidda Nabadgelyada.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda amniga ay la imaan doonto qorshe lagu sugayo amaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,islamarkaana arintaan ay kala hadli doonaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshaha lasoo bandhigayo uu lamid noqon doono kii Bishii Ramadaan oo kale kaasi oo baajiyay weeraro badan oo Al-shabaab ay qorshaynayeen in ay ka fuliyaan Magaaadda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here