Faah faahino cusub ayaa laga helayaa Khasaaraha ka dhashay Jugta laba qarax oo ciidamada katirsan kuwa AMISOM lagula eegtay gudaha magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Xaralada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda, sida lagu baahiyay Idaacada ku hadasha afka Dagaalyahanada Al-qaacidda ee Soomaaliya.
Warka kasoo baxay Al shabaab ayaa sido kale lagu sheegay in kolonyada Ciidamada Burundi ee qaraxa la kulmay ay kusii jeedeen dhanka gobolka Sh/Dhexe, laguna Gubay qaraxyadaasi Gaari Gaashaaman.
Majirto cid ka madax banaan Al shabaabn oo xaqiijin karta in qaraxyada ka dhacay Muqdisho lagu dilay ciidamo katirsan kuwa dowladda Burundi, gaari Taaw ahna looga gubay kolonyadaasi ciidan.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo ku sugan degmada Hiliwaa ayaa Simba u xaqiijiyay inuu jiro qarax lala eegtay ciidamo katirsan kuwa AMISOM oo marayay agagaarka Warshada Baastada, lakin uusan bixin Karin faah faahin intaasi ka baxsan.
Inta la xaqiijiyay khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ayaa la sheegay inuu gaarayo dhimashada laba ruux oo dhintay rasaas ciidamada AMISOM ay fureen, kadib markii qaraxyadaasi ay la kulmeen.

