Faah Faahin: Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Goordhaw Ka Bilowday Gedo Iyo Khasaare ka Dhashay Dagaal Halkaasi Ka Dhacay

0

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ciidamada Military-ga Kenya iyo kuwa Dagaalyahanada Al shabaab ku dhaxmaray deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose.

Dagaalkan ayaa la rumeysan yahay in Xoogag katirsan Xarakada Al shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay kuleeyihiin deeegaanka Kulbiyow oo u dhaw xuduud beenaadka Kenya & Somaaliya.

Goobjooge ayaa sheegay inay maqlayeen jugta rasaas Xoogan oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen, islamarkaana si wayn looga maqlaayay deegaanka Kulbiyow iyo tuulooyinka ku hareereesan.

Maamulka deegaanka oo xiriiro ay la sameysay Simba ayaa sheegay iney jiraan khasaare dhimasha iyo dhaawac ah oo kala gaaray ciidamadii Al shabaab iyo kuwa askarta Kenya ee weerarka lagu qaaday.

Dhanka kale Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa iney madaafiic ku garaaceen daafaha deegaanka Kulbiyow oo weerar xoogan ay ku qaadeen Ciidamada Alqaacidda ee Soomaaliya.

Ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka lagu qaaday saldhiga iyo weerarka madaafiicda dhulka ay cutubyada ciidamada Kenya ku qaadeen tuulooyin hoos taga deegaanka.

Ciidamada Kenya ayaa sido kale lagu soo waramayaa iney sameynayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, oo loo badinayo howlgalo iney ka sameeyaan duleedka deegaanka oo ay joogaan Xoogag katirsan Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here