Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka socdo howlgal ay fulinayaan Ciidamada amaanka Maamulka Puntland.
Howlgal ka socdo saakay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kadib markii xalay qof shacab ah lagu dilay Xaafadda Raf iyo Raaxo ee Bariga Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.
Qofka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Siciid Maxamed Maqadeeye,waxaa uu ka tirsanaa Guddiga iskaashatada Gaadiidleyda Magaalada Boosaaso ee caasimada gobalka Bari ee Puntland.
Dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada ayaa aad usoo kordhay maal-mihii ugu dannbeeyay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya saakay xaalada magaalada iney tahay mid kacsan, sababa la xiriira ciidamada Amaanka magaalada Boosaaso oo baaritaano xoogan ka wada laamiyada magaalada.

