Al Shabaab Iyo Ciidamada Kenya Yaa Ka Danbeeyay Qaraxyo Haween Iyo Ganacsato Lagu Dilay

0

Inkastoo wali aysan jirin cid sheegatay ilaa hada khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay shalay gelinkii dambe magaalada Ceelwaaqo ee gobolka Gedo.

Inta la xaqiijiyay Qaraxyadaasi ayaa waxa ku naf wayay 5 Ruux, kadib markii laba qarax lagu aasay maqaaxi laga cunteeyo oo ku taal gudaha magaalada Ceelwaaq.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa masuuliyada qaraxyadaasi lagu sheegay iney ka danbeyso dowladda Kenya oo laba qarax ku xiray Maqaaxi laga cunteeyo oo ku taal gobalka Gedo.

Al shabaab ayaa sheegay ciidamada Kenya maalintii uu qaraxa dhacay habeenkeedii ay isku gedaameen dhammaan xaafadaha magaaladu ka koobantahay kadibna subaxii markii uu waagu baryay isaga baxeen waxaana larumeysanyahay in iyagu ay maqaayadda walxaha qarxa geliyeen.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Ceelwaaq ka dhacay ayaa qaarkood loo qaaday isbitaallo kuyaal magaalooyinka Beled Xaawo iyo Baardheere oo dhammaantood kawada tirsan Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa laba mar bur buriyay Xarumo Isgaarsiineyd oo ay lahayeen shirkado ka howlgala gudaha Soomaaliya oo ku nyaal gedo, inkasto wali dowladda Kenya arimahaasi aysan ka hadlin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here