Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Cadaado ayaa shaaciyey inay waqti dheeraad ah ay ku dareen xiligii loogu talagalay inay ku qabsoomaan Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulkaasi.
Xildhibaan Liibaan Cabdi Cali (Liibaan yare) oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka Galmudug garabka fadhigoodu yahay Cadaado oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inay wax ka badaleen Jadwalka Doorashooyinka, si ay waqti ku filan ay u helaan Musharaxiinta ka imaanaysa dalka dibadiisa ee doomaya inay qabtaa Xilalka Madaxweynaha iyo Gudoomiye ku Xigeenka Koobaad.
Xildhibaan ka ayaa sheegay inay socoto isdiwaan-galinta Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug waxaana xusay inay qabteen Araajida 3-musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.
Sida uu sheegay Xildhibaan Liibaan yare doorashooyinku waxaa ay bilaaban doonaan 10-Cisho ka dib, taasi oo ka dhigan in dib looga dhigay 30-Bishaan oo qorshuhu uu ahaa inay Madaxweyne iyo Gudoomiye ku Xigeen ku soo doortaan xildhibaanada Galmudug ee Cadaado oo dhawaan sheegay inay Xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.
Dhageyso: Xildhibaan Liibaan Yare Oo La Hadlay Radio Simba

