Xildhibaanada Hirshabeelle Oo Lacag La Aan Awgeyd U Jooga Muqdisho (Ogow Sababta)

0

Xildhibaan Maxamed Bashiir Daqare  oo katirsan Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle oo la hadlay Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay amni la aanta ka jirta wadada dheer ee isku xirta magalada muqdisho iyo caasimada Hirshabeelle ee Jowhar oo Al shabaab ay joogaan.

Mudane Xildhibaan Maxamed Bashiir Daqare ayaa sido kale sheegay kalfadhiyada golaha baarlamaanka Hirshabeelle inuusan xirneen ama uusan furneen sababa la xiriira inta badan wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka oo Muqdisho jira ilaa xiligii la galay fasaxa Xildhibaanada maamulka gobaleedka Hirshabeelle.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay inta badan wasiirada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle ay joogaan mudo ku siman 48 casho magaalada Muqdisho, sababa la xiriiro lacag la aan heysta awgeyd, maadama aysan gadiid usoo raaci Karin wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo ay u baahan yihiin iney helaan lacago ay kusoo raacaan Diyaarado geeya Magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Dhageyso: Xildhibaan Maxamed Bashiir Daqare oo la hadlay Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here