Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay ka fuliyeen koofurta Soomaaliya ay ku dileen 18 dagaalyahano katirsanaa Al shabaab, kadib markii sida lagu sheegay war qoraalka oo kasoo baxay taliska Mareykanka uqaabilsan geeska Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan AFRICOM.
Duqentan ayaa la sheegay in ay Mareykanka garab ka helayeen ciidamada dowlada Soomaaliya kuwaa oo sheegay in aanu jirin waxyeelo kasoo gaartay ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowlada.
Afhayeenka taliska Mareykanka uqaabilsan geeska Africa Nate Herring oo lahadlay wakaalada wararka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan (AP) ayaa sheegay in duqeyntan ay fuliyeen maanta oo jimca ah isla markaana ay weerarkaasi ku khaarijiyeen 18 xubnood oo katirsanaa Alqaacidda Somaaliya.
Nate Herring oo sii hadlayay ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntan ay ka fulieen waqooyi galbeed gaar ahaan meel 50 KM kaga began magaalada dakada leh ee xarunta KMG maamulka Jubbaland kismaayo.
Dowladda Mareykanka ayaa duqeymo kala duwan ka fulisa kuwaa oo bartimaameedkooda uu yahay xarumha iyo goobaha ay ku sugan yihiin Alqaacidda Soomaaliya ee Xarakada Al shabaab.
Sanadkan gudihiisa Mareykanka ayaa sare uqaaday duqeymaha ay ka fulinayaan koofurta Soomaaliya, iyadoona 20 duqeymo kala duwan oo ay fuliyeen, waxyeelo ay ka soo gaartay dad aan waxba galabsan.

