Ciidamo Badan Oo Lagu Arkayo Laamiyada Muqdisho Iyo Wadooyin Muhiim Ah Oo Xiran

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saakay magaalada muqdisho ka wada baaritaan xoogan oo lagu sameynayo gadiidka shaqsiga ama raaxda, ciidamada ayaa sido kale xiray wadooyin dhowr ah.

Inta badan wadooyinka waaweyn ee magaalada dhax mara ayaa saakay waxaa buux dhaafiyay ciidamadan oo ay garab socdaan ciidamo kale oo katirsan laamaha Amniga dowladda oo baaritaano iyo su’aalo weydinaya dadka wata gadiidka raaxda ee ka shaqeeya gobalka Banaadir.

Wadooyinka lagu arkayo ciidamadan ayaa waxaa kamid ah wadada Maka Al mukarama, iyo wadooyinka kale ee ka ag dhaw, waxaana sido kale xiran Isgoyska Zoobe ilaa wadada Taleex, dhanka kale ciidamada ayaa jaray isku socodka wadada weyne ee Maka Al mukarama ee Muqdisho.

Lama oga ilaa hada sababta rasmiga ee ka danbeysay xiritaanka ciidamada ee wadooyinkaasi.

Maalmahii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay weeraro iyo dilal qorsheysan oo lagula kacayay shaqsiyaad aan la aqoon, iyo askar iyo xubno katirsan dowladda Soomaaliya.

Kala Soco Oo Soo Boooqo  FACEBOOK/ Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here