Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Gobolka Jubbada Hoose, isagoo booqday deegaanka Baarsanguuni Halkaas oo dhowr bilood ka hor gacanta u gashay ciidamada Mareykanka iyo kuwa huwanta Soomaalida & Amisom.
Hogaamiye Axmed Madoobe ayaaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhow oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta Jubbaland ay ka wadaan howlgalo ka dhan ah Xoogaga Al shabaab.
Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in uu halkaasi u tagay si uu wakhti ula qaato Ciidamada una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo.
Deegaanka Baarsanguuni duleedkiisa ayaa waxaa ku sugan ciidamo katirsan Al shabaab oo marar badan weerar dhiig ku daatay ku qaaday Military-ga Mareykanka kuwa Xooga dalka iyo ciidamada Jubbaland.






