Waxaa saakay aad loo adkeeyay amaanka Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose xili maalinta bari ah uu ka Furmi doono shirka lagu go’aamin doono nooco doorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka.
Xaafadaha Magaalada kismaayo iyo wadooyinka waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo ka Tirsan kuwa Maamulka Juba-land iyo ciidamo amisom ka Tirsan kuwasoo ka qeyb qaadanaya sugida amaanka Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Magaalada Kismaayo waxaa maanta la Filayaa in ay gaaraan Madax ka socoto dowlada soomaliya iyo kuwa Maamulka Goboleedka dalka ka jira kuwasoo ka qeyb galaya shirka lagu go’aamin doono nooco doorasho ee soomaliya ka dhacaysa marka la gaaro sanadka 2016-ka.

