Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamada dowladda Soomaaliya oo weerar ku qaaday maleeshiyaad burcad dadka ku dhici jiray wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.
Ciidamo katirsan dowladda oo marayay wadada isku xirta Jowhar iyo Qalimoow ayaa wadada kula kulmay Maleeshiyaad dadka waayadii danbe ku dhici jiray gadiidka dadweynaha halkaasi isticmaala.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay Maleeshiyaadkaan iney dhibaato ku hayeen shacabka ilaa bishii Ramadaan, kuwaa oo dhici jiray gadiidka dadweynaha ee iskaga kala goosha wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay weerarka lagu qaaday maleeshiyaadka ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ahaa burcadii wadada u gali jirtay shacabka, kuwaa oo tiro ahaan gaarayay ilaa 7 ruux.
Dhageyso Codka Mid Kamid Ah Dadka Deegaanka Oo Simba La Hadlay

