Akhriso: Tirada Ciiidamo lagu Dilay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaaa gudaha magaalada Muqdisho maanta siyaaaabo lala duwan ugu dilay askar katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaaliya.

Rag ku hubeysan Bastoolado oo watay Gaari nuuca Raaxada ayaa 4 askari oo kamid ahaa Ciidamada Xooga Soomaaliya ku dilay Waaxda Jamhuuriya degmada Kaaraan ee Magaalada muqdisho.

Ciidamo katirsan dowladda oo goobta gaaray ayaa sameeyay howlgal lagu daba galyo, sida caadada noqotay kooxaha ku hubeysan Bastooladaha ee dilalka ka fuliya degmooyinka Gobalka, sida nabad galyada lehna ugu noqda goobahii ay kasoo qorsheeyeen dilalkaasi lagula kaco askarta iyo Xubnaha katirsan Dowladda Soomaaliya.

Maamulka degmada Kaaraan oo xiriiro aan la sameynay ayaa Ka gaabsaday iney warbixin inaga siiyaan dhacdada dhacday iyo halka ay ku danbeeyeen ragii ka danbeeyay dilka askartaasi.

Dhanka lale kooxo hubeysan ayaa muqdisho ku toogtay askar katirsanaa ciidamada qaada Canshuuraha dowladda hoose ee Xamar oo marayay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Saddexdii maalin ee ugu danbeysay Muqdisho waxaa ka dhacayay dilalka qorsheysan oo lagula kacayay Askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Dowladda, shalay Xubin katirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Qarax loogu xiray Gaarigiisa Waxaana Xigay gaari Ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray Xarunta Degmada Holwadaag ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here