Warar dheeraaad ah ayaaa kasoo baxaya khasaare ka dhashay weerar lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda.
Kooxo hubeysan ayaa laba askari oo katirsanaa ciidamada Minishiibiyada ku dilay suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhanka Lagu iibiyo Qudaarta.
Ciidamo katirsan dowdda oo goobta soo gaaray ayaa furay rasaas xoogan oo sababtay dhimashada laba ruux oo shacab ahaa,kuwaa oo haleeshay rasaasta ay ridayeen ciidamada kale ee dowladda oo goobta soo gaaray.
Goobjooge ayaa sheegay dilka labada askari kadib goobta in ciidamada dowladda ay ku toogteen laba qof oo rayid ahaa kuwaa oo marayay halkaasi.
Marka la isku daro dhimashada ayaa noqoneysa ilaa afar ruux oo laba kamid ah yihiin askar katirsanaa ciidamada cashuuraha qaada ee gobalka Banaadir.
Wali majirto cid sheegatay Mas,uuliyada dilka askartaasi.

