Wararkii Ugu Danbeeyay Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Geystay Oo Ka dhacay Gobalka SH/Hoose

0

eWararkii ugu danbeeyay qarax khasaaare dhimasha iyo dhaawac sababay oo xubno katirsan dowladda Soomaaliya lagula eegtay deegaanka Buulaleey ee duleedka magaalada Afgooye ee gobalka Sh/Hoose.

Qaraxa ayaa ahaa miinooyinka kuwa dhulka lagu aaso taaasi oo lala beegsaday gaari Gaarib ah oo ay la socdeen xubno katirsan Dowladda oo kasoo anba baxay degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose, kuna soo jeeday magaalada Afgooye.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku geeriyooday laba ruux oo gaariga saarnaa, halka sadax kale uu kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, kuwaa oo loola soo cararay isbitaala magaalada Caaasimada ah ee muqdisho.

Maamulka degmada Afgooye oo xiriiro Simba ay la sameysay ayaa ka gaabsaday iney wax faah faahin ka bixiyaan raga lagu weeraray Miinada Lagu aasay duleedka degmadaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda oo gaaray goobta ay ka wadan baaritaano la xiriira Qaraxaaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here