Wararka ka imaanaya degmada jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa lagu soo waamayaa in degmadasi maanta ay ka taagantahay xiisad siyasdeede oo ka dhalatay xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay guud ahaan maamulka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.
Wararka qaar ayaa waxay sheegyaan in maanta markale lagu amarey guud ahaan mamaulka degmadaasi in ay u hogaansaman amarka xilka looga qaaday balse ay ka dhaga adegeen arintaasi.
Gudoomiye ku Xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan xuseen sheikh Qaasim oo la hadalay Idaacada Simba ayaa waxa uu sheegay in aysan xilka wareejin donini isagoona hoosta ka xariiqay xilka ay hayaan inu u dhiibay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosble.
Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in xaalada magaalada ay kacsan tahay sababa la xiriira maamulka hada talada haya oo la sheegay inuu diidan yahay in magaalada uu yimaado maamulka cusub oo la sheegay inuu diidan yahay magaalada inuu ka howlgalo maamulka kale ee lasoo magacaabay.
Dhageyso Codka: Gudoomiye ku Xigeenka Amniga iyo siyaasada jalalaqsi

