Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaalyahano katirsan Al shabaab oo ay sheegtay in lagu soo qab qabtay howlgalo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobalka shabeellaha hoose.
Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay magaalada Marka lagu soo qab qabtay labaatan katirsan Al shabaab oo laamaha amaanka xaqiijiyeen iney kamid yihiin dagaalyanada Alqaacida ee Soomaaliya gaar ahaan Shabaabka ka howlgala Xarunta Gobalkaasi.
Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka warbixiyay Howlgalo ciidammada Dowladda ay kusoo qab qabteen rag katirsan Xoogaga Al shabaab.
Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Idaacada Simba kadib warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay howlgalkaasi ka dhacay degmada, balse waxuu sheegay in howlgalka lagu soo qab qabtay 35 ruux oo wali ciidamada Amaanka ku hayaan baaritaano la xiriira iney katirsan yihiin ciidamada Al shabaab ee ka dagaalama gobalkaasi Shabeellaha hoose.
Wali majirto cid xaqiiji karta warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, maadaama wali aysan ka hadlin warkan Hogaanka ama Warbaahinta Xarakada Al shabaab ee Soomaaliya.
Howlgalka ciidamada dowladda ay ka fuliyeen magaalada marka ayaa kusoo beegmaya xili in ka badan boqolaal qoys ay kasoo barakaceen, kadib markii halkaasi gudaha ay u galeen cutubyo katirsan ciidamada dowladda oo isbuucii tegay dagaal toos ah la galay Xoogag katirsan Xarakada Al shabaab.
Shacabka magaalada ayaa wali wada barakacaasi, maadaama dagaal ama dil hadii uu ka dhaco magaalada ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka dhalinyarada ay kula kacayaan baaritaano xoogan oo sababtay waalidiinta dhalinyaradaasi iney kala baxaan caruurtooda magaalada Marka.
KALA SOCO WARARKII UGU DANBEEYAY EE SOOMAALIYA
Barta Facebook: Radio Simba

