Wararkii Ugu Danbeeyay Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Gudoomiye Ali Korane

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ciidamada amaanka Kenya oo xabsiga u taxaabay Ali Korane Gudoomiyaha Magalada Gaarisa oo la sheegay in wax laga weydinayo toogasho maalma ka hor magaalo madaxda Kenya loogu geystay hogaankii hore ee maamulka maaliyadda Garissa Idriss Mukhtar.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in Gudoomiyaha Magalada Gaarisa Ali Korane xabsiga la dhigay, kadib markii lagala baxay guri uu ka deganaa xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi.

Laamaha amaanka magaalada Nairobi ayaa la sheegay iney tuhun ka qabaan ku lug lahaanshiyaha Ali Korane, rag hubeysan oo dhaawac u geystay madaxii hore ee maamulka maaliyadda Garissa Idiriis.

Rag hubeysan ayaa isbuucii hore toogasho ugu geystay Kileleshwa Idiris Mukhtar oo ah 33 jir.

Waxii Kusoo Kordha Warkaasi Kala Soco Wararka Danbe
Ama Booqo Facebook Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here