Saraakiisha AMISOM U Qaabilsan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Oo Loo Yeeray

0

Hogaanka golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war galiyay saraakiisha sar sare ee dhanka dowladda iyo kuwa AMISOM u qaabilsan amaanka xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Gudoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka faah faahin ka bixiyay sababta ka danbeysay in loo Waco ama kulan lala yeesho saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda u xilsaaran sugitaanka amaanka xarunta golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Mudane Cawad ayaa sheegay in ka hor furitaanka kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka iney la kulmi doonaan saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda si loo adkeeyo amniga xarunta baarlamaanka.

“waxaan u yeereynaa oo qoraal ku qornay Taliyeyaasha ciidanka Booliska oo xarunta ay quseyso, hawsha diyaar garowga xarunta marka aan dhameysaano, waxaan sidoo kale la kulmi doonaa masuuliyiinta Amisom ee amniga golaha u xilsaaran”. Ayuu yiri Gudoomiye Mahad Cawad.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here