Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu soo saaray, wuxuu isku badalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Puntland.
Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Gaas sidan ayeey u qorantahay :- ” Xeer Madaxweyne Lr. 109 August 20, 2018, kuna saabsan isku bedel Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland
Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Waxuu Xeeriyey:
Waxaa Ibraahim Cumar Aadan loo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka Puntland.
Waxaa Mowliid Abokor Abkey loo Bedelay Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraasyada Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu “

