Akhriso:-Dowladda Jabuuti oo Ka Hadashay Xiriirka Xumaaday ee La Laheyd Soomaaliya

0

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Xiiriirka ay leedahay Soomaaliya oo mugdi sii galayay kadib markii ay ka xumaatay hadalkii Farmaajo ee ku aadanaa in cunaqabeynta hubka laga qaado Eriteria.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu sii ahaan doono mid xooggan,islamarkaana booqashadda Madaxweyne Farmaajo ku tagay Jabuuti ay la xiriirtay  sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka labadda dal.

Sidoo kale waxa uu qiray xaaladihii adkaa iyo mad-madowgii galay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti,kadib markii ay jabuuti ay ka xumaatay hadalkii ku aadan in cunaqeybta hubka laga qaado Dalka  Eriteria.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here