Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya.
Shirka golaha wasiirada maanta ayaa ka soo baxay
Go’aankaan lagu ritakoobayo ajaanibta ka howlgala gudaha Soomaaliya, waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda.
Cabdullaahi Xaamud Maxamed Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka war bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakoobka ajaanibta ku sugan Soomaaliya oo dawladda ka saacidaya in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan.
Soomaaliya waxaa ka howlgala ciidamo ka socda Yurub, America, Afrika, iyo Wadamo Kale kuwaa oo ciidamada dowladda iyo AMISOM ka caawiya dhanka Military-ga iyo la dagaalanka Alqaacidda Soomaaliya ee Al shabaab, balse majirto cid si gaar ah uga war qabta ama ka socota dhaq dhaqaaqyadooda.
Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho ayaa Saldhig u ah Saraakiisha iyo ciidamada Ajaainta ee ka howlgala Gudaha dalka Soomaaliya.

